41

Danwadag Relief & Development Organization

Home
41
xoghaye
40
61
xaf
xafladda
Boqolka Buush ee Boosaaso
Danwadaag oo Deeq Raashin ah Gaarsiisay
danwadag
English Version
About Us
Our Services
Somali Link
Contact Us

Hay’adda Samafalka ah ee Danwadaag,oo Udxiyada/Qurbaani U qeybisay Qaxootiga Degan

( Stadiyo Muqdisho ) ee xamar

 

Hay’adda Danwadaag oo fadhigeedu yahay Magaalada Leicester, ayaa maanta dad aad u tiro baddan, oo degan xerada Qaxootiga ee ku taala agagaarka garoonka Stadiyo Muqdisho, ee magaalada Muqdisho, u qeybisay Hilbaha Udxiyada ee Munaasabadda ciidul Adxaaga. Wakiilka hay’adda ee Magaalada Muqdisho Maxamuud Timir ayaa inoo sheegay, in ay munaasabaddaasi ay ku dhacday jawi qurxoon oo aad iyo aad  u sareysa.

 

Waxaa munaasabaddaasi ka hadlay, Shiikh Maxamud xaaji iyo Shiikh Maxamed Amiin, oo labaduba ka waramay fadliga ay leedahay ciidan iyo xasanaadka ku soo ururay Udxiyada.

 

Udxiyadan/Qurbaanigan ayaa waxa la baxay oo ku sadaqeystay dadkaas, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku kala nool magaalooyinka {Leicester, Birmingham iyo London}.

 

Hay’adda danwadaag iyadoo ka faa’ideysanaya fursadaas ayey u mahad celinayaa dhammaan dadkii ku tabarucay Udxiyadaas. Sidoo kalena waxey leedahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel walboo ay joogaanba Ciid Mubaarak.

 

By: - Maamulka Danwadaag

Leicester UK

Enter subhead content here

Enter content here

Enter supporting content here