Waa kuma Xoghayaha Danwadaag Relief & Development
Organisation?
Cabdixakiim Jaamac
Jooje, waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho, sanadu markey aheyd 15/05/1963. Waxbarashadiisa hoose dhexe wuxuu ku dhameystay Dugsigi Bartamaha. Mida sarena Sakhaawadiin Secondary School sanadi 1982/83. Waxbarasho
Jaamacadeed wuxuu ku soo qaatay dalkaasi India, magaalada Simala, isagoo kasoo qalinjabiyay Jaamacadda Himachal Pradesh University,
sanadki 1989 isagoo soo qaatay
( B.A. Economics/Public Administration). Sidoo kale Post graduate Diplomas
oo ah { Diploma in Advice Work iyo Diploma in Management ayuu ka dhameystay Jaamacadda Leicester University ee dalka
Ingiriiska. Wuxuu kaloo sameeyay cerificate of Interpreting iyo koorasyo kale oo la xiriira Guryaha ( Certificate in Housing
Management ).
Cabdixakiim Waa asaasihi hay’adda Somali Advice & Information Centre, oo aheyd hay’addi
qeybta libaax ka qaadatay dejinta dadki Soomaaliyeed ee sida aadka ah usoo degay magaalada Leicester sanaddihi 2001/2004.
Waxa kale uu xilal kala duwan kasoo kala qabtay Hay’adaha Leicestershire Somali Sports Association, oo uu ka ahaa Secretary,
sidoo kale Somali Education Centre oo uu ka soo noqday Chairman. Waqtigan xaadirka ah Cabdixakiim waa Social Development Adviser,
isagoo todobaadkiiba labo maalmood ka caawiya Soomaalida arimaha la xiriira { Guryaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Shaqada/Tababarada,
Immigrationka iyo Benefit-ka}.
Sidoo kale Cabdixakiim Waqtigan xaadirka
ah waa Xoghayaha Hay’addda Danwadaag Relief & Development Organisation.