Hay’adda Danwadaag oo Waxqabadkeedi kusoo bandhigtay Magaalada Birmingham
Xaflad aad u ballaaran oo lagu soo bandhigayay waxqabadka Hay’adda Danwadaag, ayaa maanta oo
Axad ah, taariikhduna tahay 12/11//06, ka dhacday hallka shirarka ee xarunta
( Small Heath Youth & Community Centre ). Xafladaas oo ay kasoo qeyb galeen dadweyne aad u fara baddan, oo ka kala yimid xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada
Birmingham.
Xafladaas waxaa ugu horeynti Muxaadaro
ka hadleysay Allah ka cabsiga iyo samafalkaba kasoo jeediyay Shiikh Maxamed Aaden oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed
ee ku nool magaalada Birmingham. Waxaa isaguna halkaas warbixin isugu jirtay maqal iyo muuqaalba kasoo jeediyay Xoghayaha hay’adda Cabdixakiim Jaamac Jooje, oo runti si qoto dheer uga hadlay taariikhda
iyo heerarki aysoo martay hay’adda. Waxa isaguna kalimad isugu jirtay baraarujin iyo mahadnaqba kasoo jeediyay gudoomiyaha
hay’adda Cabdicasiis Yuusuf Jaamac.
Hay’addu waxey mahdnaqa ballaaran usoo jeedinaysaa dadweynaha reer Birmingham, qaas ahaan Haweenka
reer Birmingham kaalinti lama ilaawaanka ah ay ka qaateen qabsoomida kulankaas.
Ugu danbeysti waxaa halkaas hay’adda l;oogu sameeyay dhaqaale ururin
( Fund Raising ) oo wax loogu qabanayo Baahi xagga iskuulada ah oo ka jirta Soomaaliya.
By:- Maamulka Hay’adda
Leicester UK.