Hay’adda Danwadaag oo Ku
qabatay Magaalada Leicester, xaflad ay kusoo bandhigeysay, Waxqabadkeedi inti ay jirtay.
Maalinimadi Sabtida bishuna ay
aheyd 28/10/06, waxa ay hay’adda Danwadaag Relief oo fadhigeedu yahay magaalada Leicester ee dalka ingiriiska, soo bandhigtay
waxqabadkeedi inti ay jirtay hay’adda iyo sidi ay uga qeyb qaadatay wax ka qabashada dhibaatooyinka ka jira gudaha Soomaaliya.
Xafladaas waxaa kasoo qeyb galay
dadweyne aad u fara baddan oo ka kala yimid xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada
Leicester iyo agagaaraheedaba, oo isugu jiray qeybaha kala duwan ay bulshadu ka kooban tahay sida Culumaa’udiin, aqoonyahano,
Odayaal, Ganacsato, Haween iyo dad kaleba.
Ugu horeyn waxaa
barnaamijka lagu furay aayado Quraan ah, oo uu aqriyay Cabdiraxmaan yare. Kadib waxaa Muxaadaro diini ka jeediyay Shiikh Cabdallah
Maxamed, oo ka mid ah Culumada Magaalada Leicester. Kadib waxaa hadalki qaatay Cabdixakiim Jaamac Jooje, oo ah Xoghayaha hay’adda,
isagoo halkaas kasoo jeediyay warbixino la xiriiray taariikhdi hay’adda iyo wax qabadkeedi intii ay jirtay, Sidoo kale
waxaa halkaa lagu soo bandhigay Filimo laga soo duubay goobihii ay hay’addu wax ka qabatay illaa iyo intii ay jirtay,
iyadoo ay dadkii halkaa joogay ay aad uga heleen warbixintaas.
Waxa kadib qudbad
yar oo kooban halkaa kasoo jeediyay Gudoomiyaha hay’adda Cabdicasiis Yuusuf, oo u hambalyeeyay dadki ka qeyb qaatay
taakuleynta walaalhooda Soomaaliyeed, kuna booriyay dadka inay wax alla wixi wanaag ah ay hay’adda la garab istaagaan.
Waxaa ugu danbeysti halkaasi hadalo bogaadin iyo dhiiro gelin ah kasoo jeediyay Siciid
Cali Shire iyo Haashim Ducaale oo labaduba ka mid
ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Leicester.
Gabagabadii Barnaamijka waxaa
halkaas lagu ururiyay tabarucaad, loo ururiyay iskuulo ku yaala Soomaaliya oo ay xaaladoodu
aad u liidato.
Waxa uu maamulka
Hay’adda Danwadaag fursadan uga faa’ideysanayaa isagoo u hambalyeeynaya dhammaan dadki gacanta weyn ka geystay
qabsoomida kulanki shalay. Gaar ahaan Hay’adda SAEMP iyo gudoomiye
yar yare oo iyagu naga caawiyay qaadida sawirada iyo Duubidda filimka. Sidoo kale Gabdhihi iyo aqyaarti kale ee waqtigooda
inoo huray,
La soco dhawaan waxaanu soo gelin
doonaa sawiradii xafladda inshaa’allaah.
Diyaariye Maamulka Danwadaag
Leicester UK,