Hay’adda Danwadaag Relief & Development Organization
oo Deeq gaarsiiyey Dad soo barakacay oo ku jira Xerada Boqol-ka Buush ee Boosaaso..
Updated
| Oct 16, 2006

Hay’adda Danwadaag Relief & Development Organization ayaa waxa ay deeq gaarsiisay dad soo barakacay oo ku jira xerada
100-ka Buusha ee Magaalada Boosaaso ee Maamul Gobaleedka Puntland.Hay’adda gaarsiisay deeqdaan dadkaas soo barakacay
ayaa fadhigeedu waxa uu yahay dalka Ingiriiska gaar ahaan Magaalada Leicester City, waxaana deeqdaan guddoonsiiyay wakiilka
Hay’addaasi ee Soomaaliya Maxamuud Max’ed Xaaji, waxaana ka Guddoomay Odoyaal ku jiray xeradaasi oo uu horkacayey
Xaaji Siciid Cabdalla, sidoo kale Deeq waxbarasho oo isugu jirta Buugaag iyo Qalamaan ayaa la gudoonsiiyey arday ku jirtay
Dugsiyo ku yaala Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Bacaadweyn, sidoo kale Hay’adda Danwadaag waxay Barnaamij lagu afurinayo
dadka Masaakiinta ah ka bilowday Xerooyin ay ku jiraan dadka soo barakacay ee Magaalada Muqdisho, ma ahan markii ugu horeysay
oo ay deeq noocaan oo kale ah gaarsiiso dadkaas
Qof ka mid ah dadkii helay Deeqdaas ayaa yiri” Waxay noogu soo
beegantay waqti aan u baahanay” Hayadaan oo ah Hayadii ugu horeysey oo Deeq intaa la eg gaarsiisey Gobolo ka tirsan
dadka oo ay ku sugan yihiin dad dhibaateysan ayaa masuuliyiintooda waxay noo sheegeen in ay sii balaarin doonaan Deeqdan isla
markaana ay gaarsiin doonaan Gobolada dalka
Haydan oo ah Hay’ad ay leeyihiin dad soomaali ah ayaa waxay kaloo
noo sheegeen in ay ka qayb qaadan doonaan Dhinaca waxbarashada oo ah mida ugu muhiimsan maadaama caruurta aysan haysanin Tashiilaadkii
ay uga baahnaayeen waxbarashada
Boqolka Buush ee Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku jira dad farabadan oo ka soo barakacay
Gobolada Dalka waxaana dhowr jeer xeradaas dhibaato ka soo gaartey Dab qabsadey waxayna Haya’da sheegtey in ay wax ka
qaban doonto dhibaatooyinka haysta Qoxootigaas
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail : amiinkhasaaro@hotmail.com