Hay’adda Danwadaag Oo Deeq Raashin ah Gaarsiisay Xerada Qaxootiga Boqolka Buush ee Boosaaso
Hay’adda Danwadag Relief And Development Organization oo ah hay’ad samafal oo fadhigeeduna yahay magaalada Leicester ee dalka Ingiriiska ayaa dhowaantan deeq Raashin
ah gaarsiisay qoysas Qaxooti ah oo degan magaalada Boosaaso gaar ahaana xaafada loo yaqaano Boqolka Buush oo ay ku noolyihiin
ku dhowaad 200 qoys.
Hay’addan ayaa gaarsiisay deeq Raashin ah oo isugu jiray Bur iyo Bariis iyadoo wakiilka
hay’addan ee Danwadaag ee dalka Soomaaliya Maxamuud Max’ed Xaaji oo halkaasi tegay uu ka qeyb qaatay qeybinta
raashinkaasi, waxayna dadkii Raashinkaasi nasiibka u helay ka mahad celiyeen deeqdan oo ay sheegeen inay soo gaartay xilli
ay u baahnaayeen kaalmo, laguna jiro bisha Barakeysan ee Ramadaanka.
Xaaji C/dalla Siciid oo ka mid ahaa odayaasha degan xaafada Boqolka Buush ayaa uga mahad celiyay
deeqdan hay’adda Danwadaag. isagoo sheegay inay tahay hay’addan deeqdan soo gaarsiisay waqti wanaagsan “Deeqdan
waxay na soo gaartay xilli aan u baahneyn, waxaana xaafada ka jirtay duruufo dhinaca Afurka ah, waxaana u mahad celineynaa
dhamaan mas’uuliyiinta hay’addan” ayuu yiri Xaaji C/dalla oo ugu baaqay hay’adda inay sii laban laabto
kaalmadooda balse aysan intan ugu ekeynin.
Waxay aheyd horaanta bishii October markii ay kaalmo gaarsiisay Hay’adda Danwadaag Relief And Development Organizatoin qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya gaar
ahaana kuwa maamul goboleedka Puntland iyadoo ay ku deeqday qalab waxbarasho oo isugu jiray Buugaag iyo Qalmaan taasoo ay
guddoonsiisay maamulada dugsiyada Hoose iyo dhexe oo ku yaala Waqooyiga Gaalkacyo iyo degmada Bacaadweyn.
By: - Cabdixakiim Jaamac Jooje
Leicester UK.