Leicester:-Hay’adda Danwadaag Relief and development organization oo xarunteedu tahay magaalada Leicester ee
dalka Ingiriiska, ayaa xafiiskeeda Muqdisho ugu deeqay qoysas u badan dadka soo baro-kacay raashin isugu jira
Saliid, Bur, Sokor & Galey, waxaana tallaabada hay’adaasi si weyn u soo dhoweeyey
dadkii ay hay’adaasi u qeybsay raashinka.
Wakiilka Muqdisho ee hay’adaasi Max’uud Max’ed Xaaji oo isagu gacantiisa ku qeybinayey raashinkaasi
ayaa sheegay in aysan aheyn markii ugu horreysay & markii ugu danbeysay ee hay’ada Danwadaag Relief and development
organization raashin u qeybsi dadka danyarta ah ee ku tabaaleysan magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in horay ay u saacideen
qoysas fara badan oo ka mid ah kuwa ka soo qaxay gobolada Koofurta Soomaaliya, sidoo kale-na ay qalab waxbarasho
gaarsiiyeen Deegaanada Puntland.

“Dad gaaraya 520 qofood oo isugu jira haween, caruur & dad da’ ah oo aan heli karin wax ay ku afuraan
ayey hay’adda Danwadaag Relief and development organization waxey gaarsiisay Raashin loo qeybiyey Saliid, Bur, Sokor,
Galey” ayuu yiri madaxa qeybta Muqdisho ee hay’adaasi Max’uud Max’ed Xaaji, wuxuuna sheegay in muddadii
ay ku jireen qeybinta raashinka ay dhibaatooyin kala duwan kala kulmeen dadka raashinka loogu deeqay, maadaama buu yiri marka
loo eego baahida jirta & xadiga raashinka ay qeybinayaan uu yahay mid aan dabooli karin baahida kumanaanka kun ee qofood
ee doonaya in ay helaan raashin ay ku afuraan.

“Waxaan u mahadcelinayaa mas’uuliyiinta hay’addan oo marar badan inoo keenay raashin, hay’adaha
kale & ganacsataduna waxaan ka codsaneynaa in ay ku daydaan tallaabada hay’adaasi maadaama lagu jiro bisha barakeysan
ee Ramadaan” ayuu yiri Axmadey Ibraahim oo ka mid ah dadkii ay raashinka u qeybisay hay’adda Danwadaag Relief
and development organization.
Hay’addu sidoo kale waxey bishan ramadaan ku talo jirtaa inay gobolo kale oo dalka ah, gaarsiiso Barnaamijka Afurka
Faahfaahin dheeraad ah lasoo xiriir
Cabdixakiim Jaamac Jooje
Danwadaag Secretary
Halgan.net