|
Hay'adda Danwadaag oo buugaag ugu deeqday dugsiyo ku yaala PuntlandLast Updated::2006-09-11
11:40:56
Gaalkacyo:- Hay'adda Danwadaag Reliefe And Development Organization oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska, kana mid
ah hay'addaha madaxa banaan ee ka qeybqaata horumarinta bulsho weynta Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka,
waxbarashada, abaaraha, iyo arrimaha bulshada ayaa deeq waxbarasho oo ka koobneyd Buugaag iyo qalmaan u qeybisay qaar ka mid
ah ardayda danyarta ah ee wax ka barta dugsiyada waxbarashada ee ku yaala gobolada Puntland gaar ahaana magaalooyinka
Gaalkacyo iyo Bacaadweyn.
Wakiilka hay'adda Danwadaag ee magaalada Muqdisho Maxamuud Max'ed Xaaji oo isagu ahaa mas'uulkii maamulada dugsiyadaasi ku
wareejiyay deeqdan qalabka waxbarashada ayaa sheegay in guddoomiyaha hay'adda Danwadaag C/casiis Yuusuf Jaamac iyo
weliba xoghayaha guud C/xakiin Jaamac Jooje oo iyagu ku sugan dalkaasi Ingiriiska ay ugu talo galeen qalabkan in ay
waxbarashada u fududeyso ardada da'da yar ee aan awoodin inay gataan buugaagta iyo qalmaanta ay dugsiyada ku dhigtaan.
Maamuladii
dugsiyada waxbarashada ee ku loo qeybiyay buugaagtaasi ayaa u mahad celiyay Hay'adda Danwadaag Reliefe And Divolopment Organization
oo ay sheegeen inay isku xil qaantay sidii ay u dhiiri gelin laheyd waxbarashada ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaana kuwa aan
awooda u laheyn inay iibsadaan Buugaagta iyo qalmaanta wax lagu barto, waxaana maamulka dugsiga waxbarashada ee Barda-cad
uu sheegay inay tahay hay'addii ugu horeysay ee deeq waxbarasho soo gaarsiisa dugsigan.
“Intii aan ku guda jiray
qeybinta qalabkan waxbarashada, waxaan la kulmayay baahiyo kala duwan, balse baahida ugu badan ee aan so arkay waxay ka jirtay
dugsiga H/dhexe ee Bacaad-weyn oo ay ka muuqatay ardadada wax kabarata diif aad u weyn iyagoo aanan heysan dhamaamba qalabkii
loogu talo galay iskuul waxbarasho, sida dayactir la'aan ka jirta dhismaha iskuulka, macalimiinta dugsiga wax ka dhiga oo
aan qaadan wax mushaar ah qaadan kuna shaqeeya si mutadawac-nimo ah” ayuu yiri wakiilka magaalada Muqdisho u jooga hay'addan
Maxamuud Max'ed Xaaji oo intaasi ku daray in iskuulku Bacaad-weyn ay dhigtaan arday agoon u badan isla markaana ay u baahan
yihiin dharka u gaarka ah waxbarasha ee Unifrm-ka.
Hay'addan Danwadaag Reliefe And Development Organization ayaa iyadu
horey qeyb lixaadleh uga qeyb qaadatay gurmadkii abaaraha ee ku dhuftay gobolada Koonfurta Soomaaliya, afurinta dad danyar
ah oo ku kala sugan magaaloyinka Gaalkacyo & Muqdisho, waxayna sidoo kale ka qeyb qaadatay Afurinta dadka tabarta yar
ee ku nool xerooyinka qaxootiyada magaalada Muqdisho.
Cabdixakiim Jaamaca Jooje Social Development Adviser
|
|
| |
| |
| |
| | |
|
|
|
|