Waxqabadki hay’adda danwadaag
Muddadi ay dhisnayd
Hay’adda danwadaag oo la asaasay
June 2005, ayaa ku tilaabsatay waxqabad wax ku ool ah, muddadaa yar ay dhisnayd.
Waxyaalihi ay qabatay waxaa ka mid ahaa:-
§
Barnaamijki Qiimeynta, oo ahaa barnaamij ay hay’addu kusoo qiimeynaysay
xaaladda ay ku sugan yihiin dadka kasoo barakacay deegaanadii ay deganaayeen, sababo la xiriira dagaaladii sokeeye dartood,
oo imminka ku sugan xeryo qaxooti oo ka dhisan magaalada Muqdisho. Hay’addu intii ay waday barnaamijka qiimeynta waxey
taakulo gaarsiisay dadki ay ku booqatay goobahaa.
§ Barnaamijki
Afurinta dadka Masaakiinta:- barnaamijkan oo ay hay’addu ugu qeybisay dadka masaakiinta ah ee aan heli Karin afurka
taakulo raashin ah, kuna nool magaalada Muqdisho iyo sidoo kale magaalada Gaalkacayo.
§
Barnaamijki Udxiyada:- barnaamijkan oo ay hay’addu ugu qeybisay hilbihi
udxiyada dadka masaakiinta ah ee ku nool gudaha Soomaaliya.
§
Hay’adda Danwadaag waxey ku wareejisay Deeq ka kooban 80 loor oo raashin
iskujira ah iyo 10 kartoon oo saliid ah, Gudoomiyaha guddiga gurmadka Abaarah ee magaalada Muqdisho.
Warbixino la xiriira howlahan oo
recording ah waxaad kalasoo xirii kartaan Maamulka hay’adda.
By:- Maamulka Danwadaag