1

Danwadag Relief & Development Organization

Home
41
xoghaye
40
61
xaf
xafladda
Boqolka Buush ee Boosaaso
Danwadaag oo Deeq Raashin ah Gaarsiisay
danwadag
English Version
About Us
Our Services
Somali Link
Contact Us

Ururka samafalka iyo horumarinta ee Dan-wadaag oo deeq raashin ah ku wareejiyey guddiga gurmadka abaaraha Koonfurta Soomaaliya

Ururka Samafalka iyo horumarinta ee dan-wadaag (Dan-wadaag Relief and Development Organization) ayaa maanta deeq raashiin ah oo loogu talo galay dadka abaaraha iyo maclushu ay ku heysato qaar ka tirsan gobolada dalka waxay ku wareejiyeen guddiga gurmadka abaaraha ee magaalada Muqdisho.

Raashin-kan oo ka koobnaa ilaa 80 kiish oo isugu jira moocyada kala duwan ee raashinka sida bur, bariis, Qamadi iyo 10 kartoon oo Saliid ah ayaa maanta xaflad kooban oo lagu guddoosiinayey guddiga gurmadka abaaraha waxaa lagu qabtay xarunta ururkaasi ee magaalada Muqdisho.

Wakiilka ururka samafalka iyo horumarinta ee Dan-wadaag u fadhiya magaaladan Muqdisho Max’uud Max’ed Timir oo munasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay in deeqdan ay maanta ku wareejiyeen guddiga gurmadka abaaraha ay tahay mid aad u yar marka loo eeggo baahida jirta, wuxuuna xusay in ay ka timid inteeda badan dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan dalka Ingiriiska oo uu tilmaamay inay u soo mariyeen ururka samafalka iyo horumarinta ee Danwadaag oo xaruntiisu ay ku taalo magaalada Leicester ee isla dalka Ingiriiska.

“Ujeedada hay’addu waa sidii ay u taakuleyn laheyd dadka Soomaaliyeed ee ay hala-keeyeen dagaalada sokeeye iyo abaaraha, waxaana qorshaheedu yahay sidii ay wax uga qaban laheyd arrimaha asaasiga ah ee nolosha sida, quudinta dadka masaakiinta ah, hoy u helida dadka ay hooy la’aantu ku dhacdo, waxbarashada, Caafimaadka iyo u qodida ceelal dadka ku nool tuulooyuinka fog fog ee ay degan yihiin dadka saboolka ah” ayuu yiri Timir oo intaa ku daray in hay’addu ay hawl gelineyso waxna u qabanaeyso cid kasta oo Soomaaliyeed iyadoo aan u fiirineyn, koox, qabiil iyo siyaasad toona.

Wakiilka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in ururka samafalka iyo horumarinta ee danwadaag oo la aasaasay bishii june sanadii 2005-ta uu mudadii yareyd ee uu jiray ku talaabsaday talaabooyuin wax ku ool ah, isagoo ku dheeraaday waxqabadkii ururkaasi.

"Waxaanu aad iyo aad uga xun nahay dhibatada weyn ee abaaruhu ay u geysteen gobolada Koonfureed ee Soomaaliya, waxaana ilaahay uga baryeynaa inuu ilaahay ka dulqaado kuwa geeriyoodayna u naxariisato”ayuu yiri Timir oo ugu baaqay ugu danbeyntii dhinacyada mudooyinkan danbe isku colaadinayey magaaladan Muqdisho in ay joojiyaan iskana ilaawaan wixii horey u dhexmaray.

Guddoomiye ku-xigeenka guddiga gurmadka abaaraha ee magaalada Muqdisho sheekh Cismaan Maxamed max’uud oo isna halkaasi ka hadlay ayaa uga mahad celiyey ururka samafalka iyo horumarinta ee dan wadaag deeqdan wax ku oolka ah ee ay soo garsiiyeen guddiga gurmadka abaaraha oo uu sheegay inay wax weyn ka tareyso sidii  wax looga qaban lahaa dhibaatada ay abaaruhu ku hayaan deegaano badan oo dalka ah, isagoo balan qaaday inay si dhaqsiya leh u gaarsiin doonaan goobaha ay ku sugan yihiin dadki loogu talo galay, wuxuuna dhinaca kale guddomiye ku-xigeenku ku dheeraaday qaabka ay ilaa hada u socdaan hawlaha guddigaasi ee loogu gurmanayo dadka ku tabaaleysan qaar ka tirsan gobolada dalka, isagoo sidoo kale u mahadceliyey dhamaanba shirkadihii iyo shaqsiyaadkii guddiga soo gaarsiiyey deeqaha kala duwan oo uu sheegayt in haddii aan ahaan laheyn aan la qaban kari laheyu waxa hada la qabtay.

Sidoo kale waxaa munaasabadaasi hadalo kooban ka soo jeediyey xubno ay ka mid ahaayeen Axmed Madaxey Afrax oo ka tirsan guddiga gurmadka abaaraha iyo sheekh Axmed C/llaahi Xasan oo isna ka tirsanaa ururka samafalka ee dan wadaag, iyagoo ku dheeraaday sida loogu bah yahay deeqahan oo kale oo ay sheegeen in ay wax weyn ka tarayaan sidii loo badbaadin lahaa dad badan oo soomaliyeed, waxayna ku booriuyeen dadweynaha Soomaliyeed ee ku dhaqan gudaha iyo dibada dalka inay dadaalkooda la xiriira sidii ay u kaalmeym lahaayeem walaalahooda dhibaateysan.

Muqdisho 13/04/05