2

Danwadag Relief & Development Organization

Home
41
xoghaye
40
61
xaf
xafladda
Boqolka Buush ee Boosaaso
Danwadaag oo Deeq Raashin ah Gaarsiisay
danwadag
English Version
About Us
Our Services
Somali Link
Contact Us

Kalimada Gudoomiyaha

 

Anigoo ku hadlaya magaca hay’adda Danwadaag waxaa marka hore mahad idilikeed iska leh allaah, kadib waxaan halkan uga mahadcelinayaa dhammaan shaqsiyaadki waqtigood iyo hantidoodiiba ugu deeqay hay’adda danwadaag, si ay u taakuleeyaan walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha waddanka, oo xataa qaarkood ayan suurogal u aheyn inay helaan waxyaalaha daruuriga ah, ee ayan la’aantood nolol suuroobeyn sida, ( Quud, Hoy iyo Arad ).

 

Waxaan aad iyo aad uga xumahay dhibaatada ku dhacday dadki Soomaaliyeed ee ay abaaruhu halakeeyeen, waxaana Allaah Subxaanu watacaalaa ka baryayaa inuu dadkaasi dhibaatada ka qaado, uguna badalo badiil kheyr leh.

 

Waxaan kaloo fursadan uga faa’ideysanayaa inaan baaq u jeediyo dhammaan bulshoweynta Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan si ay colaadaha soo noq noqday ay isaga ilaawaan una soo jeestaan dhisida iyo wax ka qabashada dalkoodi hooyo.

 

Waxaan kaloo ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan taakuleynta walaalahooda ku dhibaataysan gudaha wadanki, oo ayan ka bakheylin shilinka.

 

Fadlan caawi, oo u caawi Allaah dartii wallaalaha Soomaaliyeed iyo caruurta agoonta ah ee ku sugan Soomaaliya.

 

Ogow shilinka aad bixisaa wuxuu wax u qabanyaa walaal muslin ah oo soomaaliyeed oo ku dhibaateysan waddanki. Adduun iyo aakhirana waad ku liibaaneysaa sadaqada aad hor Allaah ula baxdo.

 

Please Donate Generously

 

 

 

Jazaakallaah Kheyr

 

Bootaan Xirsi Dhoore

( Cabdi gareed )

 

Gudoomiyaha Hay’adda danwadaag